Posts

Diseases and health conditions that affect postpartum mothers

Image
 Introduction: Today we will talk about the health conditions that affect a mother during the postpartum period, the health complications they cause, and the solutions to treat the mother. Postpartum illnesses are divided into physical conditions and psychological conditions. ​Physical Illnesses: ​Postpartum Hemorrhage: Excessive bleeding that occurs in a mother after delivery, which can cause anemia. ​Uterine Wall Infection (Endometritis): An infection of the lining of the womb that causes fever and foul-smelling discharge. ​Breast Infection (Mastitis): Inflammation and pain caused by engorged milk because the baby may not nurse directly in the first few days. ​Infection of the Episiotomy/Surgical Site: Infection occurring at the incision site made during childbirth, whether through natural delivery or a C-section. ​Deep Vein Thrombosis (Blood Clots in the Legs): Blood pooling in the mother's legs, causing leg swelling, pain, and heat in the calves and thighs. ​Pelvic and Back Pai...

Xanuunada ku dhaca hooyada umusha ah.

Image
 Hordhac: Manta waxa aynu ka hadli doonaa xanuunada ku dhaca hooyada xilliga ay umusho, dhibaatada caafimaad ee uu ku keeno, xalka lagu daweeyo hooyada. Xanuunada ku dhaca xilliga umushu waxay u qatbsamaan kuwo jismi ah, iyo kuwo nafsi ah. Xanuunada jismiga ah: Dhiigbaxa umusha ka dib: hoyada umushay dhiigax badan oo ku yimaada dhalmada ka dib, kaas oo sababi kara dhiig la’aan ku dhacda hooyada. Caabuqa ku dhaca darbiga ilmo galeenka, kaas oo hooyada ku keena qandho iyo urta dhiiga oo isbedela. Caabuq ku yimaada naaska, barar iyo xanuun ka dhasha caanaha ku fadhiista hooyada maadaama ilmuhu maalmaha ugu horeeya aanu si toos ah u jaqin naaska. Caabuq ku yimaada jeexitaankii hooyada loo sameeyay markii ilmuhu dhalanayey, ha ahaato dhalmo dabiici ah ama qaliin. Dhiig ku fadhiista lugaha hooyada oo ku keena barar lugaha ah, xanuun, iyo kulayl kubka iyo bawdada ah. Xanuun ay hooyadu ka dareento sinta iyo dhabarka kaas oo sabab u ah fooshii ay soo martay hooyadu. xanuunada nafsiga ah: ni...

The Key to Success for Children.

Image
 Introduction: Today we will talk about the key to success, true success, when it happens, the most important aspects of success, the secret to success, what is learned from success, when it can be said that success has been achieved, and the conclusion of this piece, God willing. What is success? Success is the achievement of goals and objectives that a person has set for themselves, which bring meaning and value to their life. Furthermore, success is not limited to a single aspect, but rather encompasses many dimensions. The key to success for children: Building success for children relies on encouragement, a balanced routine, and a peaceful home environment that fulfills their emotional and educational needs. Key Pillars of a Child's Success • ​A Good Role Model: Children learn much more from what they observe than from what they are told. A parent’s positive behavior, good manners, and effective time management serve as a roadmap for children to structure their own lives. • ​Lo...

Furaha guusha ee ubadka.

Image
 Hordhac: Manta waxa aynu ka hadli doonaa furaha gusha, guusha dhabta ah, goorma, qaybaha ugu muhiimsan ee guusha, sirta guusha, guusha maxaa laga bartaa, goorma ayaa la odhan karaa guul waa la gaadhay, iyo gunaanadka qormadan haddii Alle ogolaado. Waa maxay guul? Guushu waa gaadhista ahdaaf iyo yoolal uu qofku naftiisa u sameeyay, kuwaas oo macno iyo qiimo u leh noloshiisa. Sidoo kale, guushu kuma xidhna hal dhinac, ee waxa ay leedahay dhinacyo badan. Furaha guusha ee ubadka. Dhismaha guusha ee ubadku waxay ku fadhidaa dhiirigelin, nidaam dheelitiran, iyo jawi dagen oo ka dhex jira guriga oo buuxiya baahiyahooda shucuurta iyo waxbarashada. Tiirarka ugu muhiimsan ee guusha ubadka. Tusaale wanaagsan: carruurtu waxay uga aqoon badanyihiin waxay loo sheego ka ay arkaan. Dhaqanka wanaagsan ee waalidka ka muuqda, asluubta toosan, iyo sida uu u maareeyo wakhtigiisu waxay ubadka u yihiin maab ay kaga tusaalo qaataan sidii ay u nidaamin lahaayeen noloshooda. Kalgacal iyo dhageysi furan: in...

Isku filnaanshaha ubadka.

Image
 Hordhac: Manta waxa aynu wax ka odhan doonaa mawduuc runtii muhiim u ah waalidka isla markaana uu ka faa’iidaysan doonaan dhamaan walidiinta Rabi u hibeeyay ubadka iyo kuwa sugayaba. Waxa aynu kaga hadli doonaa marxalada isku filnaanshaha ubadka, wakhti la odhan karo wuu gaadhay isku filnaansho, faa’iidada ay u leedahay ubadka, ilmaha oo la baro inuu gacantiisa wax ku qabsado, faa’iidadeeda, iyo dhibaatada ka dhalata marka ilmaha wax kasta loo qabto, iyo gunaanadka qormada. Inahaas ayaynu maanta diirada saaraynaa haddii Alle inoo ogolaado. waa maxay isku-filnaansho? Waa awood uu qof leeyahay taasoo u uku muujiyo inuu dabooli karo dhamaan baahiyihiisa fursadeed, sida cadaynta nolosha, dhaqaalaha, garashada, iyo go’aan gaadhista naftiisa isaga oo aan cid dabada ah aan ku xidhnayn. Isku-filnaanshuhu waa inaad leedahay awoodd aad naftaada ugu maamusho adiga oo u maaraynaya hab madax-bannaan. Qaybaha ugu waawayn ee isku-filnaanshaha. Isku-filnaansho dhaqaale: in qofka ama bulshadu leed...

Qaabka loo sameeyo xuduudaha guriga ee ubadka lagu hago. Hordhac:

Image
 Hordhac:  Manta waxa aynu ka hadlaynaa qaabka loo sameeyo xuduudaha iyo shuruucda guriga u yaala ee ubadka lagu hagayo noloshooda, sida loogu tarbiyadeeyo, iyo wakhtiga ay ku qaadato inay la qabsadaan ubadku. Xuduudaha iyo shuruucda loo sameeyo ubadku waxay u horseedaa badhaadhaha noloshooda, inay dareemaan ammaan, xushmad iyo in la fahamsan yahay. Marka waalidku ubadka u sameeyo xuduudo cad-cad waa inuu isticmaalaa hab dabacsan oo jacayl iyo naxariis ka buuxdo. Waalidku inuu amaro bixiyo waxaa ka fiican inuu ku bedelo qaab laga dooday oo lagu wada qanacsanyahay dhamaan xubnaha qoyska.  Ha cararin! Waxaad ku bedeshaa tallaabooyin tartiib ah isticmaal markaad guriga joogto. Ha qaylin! Waxad ku bedeshaa ‘fadlan cod hoose oo deggan ku hadal. Xuduuduhu maaha ciqaab ee hagid . waxaad ubadka u muujinaysaa naxariis adiga oo ilaalinaya qaanuunka.  Ilmaha in la siiyo doorasho oo ku doorto dookhiisa ee aan waxkasta lagu qasbin. Tani waxay ilmaha Dareensiisaa in la tixgalinayo...

Saykoolajiyada carruurta.

Image
 Hordhac: Manta waxa aynu kusoo qaadanaynaa qormadeenan saykoolajiyada ku saabsan koboca maskaxeed ee ubadka, sida loola dhaqma marxaladaha kala duwan ee uu maro, daraasadaha laga sameeyay, iyo gunaanadka qormada haddii Alle idmo. Saykoolajiyada ka hadasha koboco carruurta (child development psychology). Waxay diirada saartaa fahamka isbedellada jidhka, maskaxda, caadifadda, iyo bulshada ee uu ilmuhu maro laga bilaabo maalinta uu dhasho ilaa qaangaadhnimadiisa. Qaybaha ugu waaweyn ee uu ka hadlo saykoolajigaasi waxaa ka mid ah: Koboca garaadka iyo maskaxda (cognitive Development): qaytan waxay ka hadashaa sida uu ilmuhu wax u barto, u fikiro, luuqadda u arto, iyo sida uu u xalliyo dhibaatooyinka ka dhaca hareerihiisa. Koboca caadifadda iyo ulshada (socio-Emotional Developmenta): tani waxay ka hadashaa sida uu ilmuhu u muujiyo shucuurtiisa, u dhiso xidhiidhka ka dhexeeya waalidkii iyo carruurta kale, iyo sida uu u maareeyo cadhadiisa iyo walwalka. Koboca jidhka iyo dhaqdhaqaaqa (phy...